Iiraan oo Sheegatay inay Diyaarado aan Duuliye Lahayn ku Weerartay Raadeer Difaac oo Mareykanku ku leeyahay Baxrayn

Iiraan ayaa sheegatay in Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ay lix diyaaradood oo aan duuliye lahayn ku bartilmaameedsadeen radar ka tirsan nidaamka difaaca cirka ee Mareykanka, kaas oo ku yaalla saldhigga cirka ee Riffa ee dalka Baxrayn.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Baxrayn ayaa shacabka uga digtay khatar amni oo suuragal ah, iyadoo dadka deegaanka ku boorrisay inay galaan goobo ammaan ah oo ay ka fogaadaan meelaha halista laga cabsi qabo.

Sida ay baahisay wakaaladda Reuters, sheegashada Iiraan weli si madax-bannaan looma xaqiijin, mana jirin xaqiijin degdeg ah oo ka timid Mareykanka ama Baxrayn oo ku saabsan in weerarku gaaray bartilmaameedkiisa ama uu geystay waxyeello.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii xoogaysanayaan xiisadaha u dhexeeya Washington iyo Tehran, iyadoo Baxrayn ay martigeliso Taliska Shanaad ee Ciidanka Badda Mareykanka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments