Masar, Mareykanka, iyo Imaaraadka oo ka Wada-hadlay Amniga Badda Cas

Arrimaha dagaalka Suudaan, xiisadaha amni ee ka taagan Badda Cas iyo amniga biyaha ayaa kamid noqday qodobada ugu waaweyn ee looga hadlay wada-hadallo dhexmaray mas’uuliyiin ka kala socday Masar, Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta.

Wada-hadalladan oo dhacay dhammaadkii toddobaadka ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka Badda Cas iyo Geeska Afrika.

Waxaa sidoo kale xaaladda sii murjinaya xasillooni-darrada dib uga soo cusboonaatay waqooyiga Itoobiya, kaddib markii dagaallo hor leh ay dib uga bilowdeen gobolka Tigray 23-kii Sebtembar, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo in colaaddaasi ay isku beddesho iska horimaad ballaaran oo gobolka saameeya.

Xaaladda ayaa si gaar ah walaac uga abuureysa xiriirka Itoobiya iyo Eritrea oo weli ay ka dhex jiraan khilaafaad iyo xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni, taas oo sare u qaadaysa halista isku dhac cusub oo labada dal dhex mara.

Wada-hadallada saddex-geesoodka ah ayaa muujinaya muhiimadda ay arrimaha Suudaan, amniga Badda Cas iyo khilaafaadka la xiriira kheyraadka biyuhu u leeyihiin danaha dalalka gobolka iyo quwadaha caalamka.

Geeska Afrika iyo Badda Cas ayaa ah goobo istaraatiiji ah oo ay isku dhex jiraan dano siyaasadeed, dhaqaale iyo amni, waxaana isbeddel kasta oo ka dhaca gobolka uu saameyn ku yeelan karaa dalalka ku teedsan iyo marin-biyoodka caalamiga ah.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments