Trump, Putin iyo Xi Jinping oo Kulan Saddex Geesood ah ku Yeeshay Shiinaha, iyagoo ka Wada Hadlay Arrimaha Nukliyeerka iyo Dagaallada Caalamka

Madaxweynayaasha Mareykanka, Donald Trump, Ruushka, Vladimir Putin, iyo Shiinaha, Xi Jinping, ayaa kulan saddex geesood ah ku yeeshay magaalada Shenzhen ee dalka Shiinaha, xilli ay ka qeybgalayaan shir-madaxeedka Iskaashiga Dhaqaalaha Aasiya iyo Baasifigga (APEC).

Trump, Putin iyo Xi Jinping oo Kulan Saddex Geesood ah ku Yeeshay Shiinaha, iyagoo ka Wada Hadlay Arrimaha Nukliyeerka iyo Dagaallada Caalamka

Madaxweynayaasha Mareykanka, Donald Trump, Ruushka, Vladimir Putin, iyo Shiinaha, Xi Jinping, ayaa kulan saddex geesood ah ku yeeshay magaalada Shenzhen ee dalka Shiinaha, xilli ay ka qeybgalayaan shir-madaxeedka Iskaashiga Dhaqaalaha Aasiya iyo Baasifigga (APEC).

Kulankan oo ah mid aan horay loo arag oo ay wada yeeshaan hoggaamiyeyaasha saddexdan quwadood ee waaweyn, ayaa diiradda lagu saaray arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin dagaalka Ukraine, xiisadda Iiraan, hubka nukliyeerka iyo xiriirka ganacsi ee dalalkooda.

Kulanka waxaa ka horreeyay kulamo gaar-gaar ah oo Trump uu la yeeshay dhiggiisa Shiinaha iyo Ruushka, ayadoo Trump uu labada hoggaamiye ku tilmaamay saaxiibbo, isaga oo muujiyay inuu doonayo in la abuuro jawi cusub oo iskaashi iyo xariir wanaagsan oo dhex mara saddexda dal.

Dhanka kulankii uu Trump la yeeshay madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, labada dhinac ayaa muujiyay inay doonayaan in xiriirka Washington iyo Beijing uu ku socdo waddo deggan.

Xi Jinping ayaa asna sheegay in xiriirka labada dal lagu dhisayo ixtiraam, caddaalad iyo is-weydaarsi danaha labada dhinac ku saleysan.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanka iyo Shiinaha ay gaareen is-afgarad ku saabsan canshuuraha ganacsiga, isagoo xiriirka labada dal ku tilmaamay mid gaar ah.

Dhanka kale, kulankii uu la yeeshay Vladimir Putin, Trump ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay muddo dheer is yaqaaneen, isla markaana uu rajeynayo in kulankooda ay ka soo baxaan natiijooyin wanaagsan.

Kaaliyaha arrimaha siyaasadda dibadda ee Kremlin-ka, Yuri Ushakov, ayaa sheegay in kulanka Trump iyo Putin looga hadlay dagaalka Ukraine iyo xiriirka labada dal, isagoo kulanka ku tilmaamay mid si wanaagsan ku dhammaaday.

Arrimaha hubka nukliyeerka ayaa ka mid ah qodobbada uu Trump doonayo in si gaar ah looga hadlo, inkastoo Shiinuhu hore uga muujiyey diidmo ku saabsan inuu ka qeyb galo heshiisyo xaddidaya hubkiisa nukliyeerka, maadaama kaydka hubka nukliyeerka ee Mareykanka iyo Ruushka uu aad uga weyn yahay kan Shiinaha.

Dhanka kale, falanqeeyayaasha siyaasadda caalamka ayaa qaba in kala duwanaanshaha mowqifyada saddexda dal ee ku saabsan Ukraine, Iiraan, hubka nukliyeerka iyo ganacsiga ay adkeyn karaan in kulankan laga gaaro heshiisyo waaweyn.

Kulankan ayaa sidoo kale walaac ku abuuray dalalka yaryar, kuwaas oo ka cabsi qaba in danahooda siyaasadeed iyo dhaqaale aan si buuxda loo tixgelin marka ay wada xaajoodaan quwadaha waaweyn ee dunida.

Shirka APEC waxaa ka qeybgalaya wakiillo ka socda 21-ka dal ee ku teedsan Badweynta Baasifigga, iyadoo ajandaha guud uu sidoo kale diiradda saarayo ganacsiga xorta ah, hal-abuurka tiknoolajiyadda iyo iskaashiga dhaqaale.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments