U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la Kulmay Mas’uuliyiin ka Tirsan Mucaaradka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari, Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo Maxamed Mursal, iyo siyaasiyiin kale oo Koonfur Galbeed ka soo jeeda.

Siyaasiyiintaan ayaa u yimid garab istaagga ciidamada qaranka ee dagaalka ku la jira Al-Shabaab ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan na deegaanada Koonfur Galbeed, iyo tallooyinkooda ku aaddan dagaalka socda ee dib-u-xoreynta dalka iyaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay in ay qaataan doorka dagaalka ka ga aaddan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyeyaashii hore iyo siyaasiyiinta warbixin ka siiyey guulaha muhiimka ee la ga gaaray dagaalka ayaa tilmaamay in ay lagama-maarmaan tahay in loo midoobo sidii waqti kooban dalka loo ga saari lahaa Al-Shabaab, isaga oo adkeeyey in midnimo, isu-tanaasul iyo wadatashi loo ga gudbo arrimaha la gu kala aragtida duwan yahay si loo gaaro Soomaaliya xor ka ah.

Safarka mas’uuliyiintaan ayaa ku soo aadaya xilli dhowaan madasha Koonfur Galbeed kulamo ay ka ga oo horjeedaan Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagreen, ay ka wadeen gudaha iyo dibadda dalka, iyaga oo dalbanayey in uu fuliyo heshiiskii mucaaradka iyo maamulku horey u gaareen, sida oo kale na la qabto doorashada madaxweynaha maamulkaasi ee waqtigeedii la gaaray, kaddib heshiiskii muddo kordhinta maamullada ee halka sano.