Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi rasmi ah u dirtay Dowladda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya, kaddib masiibadii ka dhalatay roobab xooggan oo ka da’ay gobolka Amxaarada, kuwaas oo sababay khasaaro naf iyo maalba leh.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay murugada la qaybsaneyso dowladda, shacabka iyo qoysaska ay dhibaatadu saameysay.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale muujisay garab istaag ay la garab taagan tahay Itoobiya xilligan adag, iyadoo u rajeysay dadka ku dhaawacmay masiibada inay si degdeg ah u bogsadaan.




From the comments