Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in amniga Soomaaliya uu xiriir toos ah la leeyahay amniga caalamka, isaga oo digniin ka bixiyay in khatarta argagixisada ee ka jirta Soomaaliya aysan ku koobnayn xuduudaha dalka.
Madaxweynaha oo wareysi siiyay telefishinka Sky News ayaa sheegay in haddii Muqdisho aysan ammaan ahayn, magaalooyinka waaweyn ee caalamka sida London aysan iyaguna ka badbaadi karin khatarta argagixisada.
Isaga oo ka hadlayay xiriirka ka dhexeeya amniga Soomaaliya iyo kan caalamka, ayuu sheegay in dagaalka lagula jiro argagixisada ee ka socda Soomaaliya uu sidoo kale muhiim u yahay sugidda amniga dalalka kale, gaar ahaan kuwa ay suuragalka tahay in kooxaha xagjirka ahi bartilmaameedsadaan.




From the comments