Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xarigga ka Jaray Waddada Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarigga ka jaray waddada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan, taas oo dib-u-dhis iyo dayactir ballaaran lagu sameeyay, iyadoo qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo bilicda caasimadda Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda xarig-jarka ka sheegay in waddada Jamhuuriya ay muhiimad weyn u leedahay bulshada ku nool degmada Kaaraan iyo guud ahaan isu socodka gaadiidka iyo dadka, isagoo xusay in dib-u-dhiskeedu wax weyn ka tari doono fududeynta isku socodka bulshada iyo hagaajinta muuqaalka magaalada.

Wuxuu tilmaamay in horumarinta waddooyinka iyo kaabayaasha kale ee magaalada Muqdisho ay qeyb ka tahay dadaallada dowladda ee lagu doonayo in shacabka loo abuuro adeegyo wanaagsan iyo deegaan magaalo oo ka wanaagsan kii hore.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale munaasabadda kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan hannaanka doorashada qof iyo cod, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay helaan awood ay si toos ah ugu doortaan hoggaamiyeyaasha ay doonayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in doorashada qof iyo cod ay fursad siinayso muwaadiniinta Soomaaliyeed inay codkooda ku doortaan cidda ay u arkaan inay matali karto danahooda, taas oo uu ku tilmaamay arrin muhiim u ah dhismaha nidaam dimuqraadi ah iyo xoojinta ka-qaybgalka shacabka ee go’aanada siyaasadeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale muujiyay in ka-qaybgalka bulshada uu muhiim u yahay hirgelinta nidaamka doorashooyinka, isagoo adkeeyay in muwaadiniintu ay xaq u leeyihiin inay doortaan cidda ay rabaan.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments