Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa walaac xooggan ka muujiyay ciidamada iyo hay’adaha amniga ee uu sheegay in Imaaraadka Carabta uu dhaqaale, tababar iyo qalab milatari ku taageero, kuwaas oo aan hoos imaan taliska guud ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha oo khudbad uu u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ka jeediyay, ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta uu muddo dheer dhisayay xiriirro amni iyo kuwo milatari oo toos ah oo uu la leeyahay maamul-goboleedyada dalka, isaga oo aan mar walba la marin dowladda dhexe.
Xasan Sheekh ayaa arrintan ku tilmaamay mid halis ku ah midnimada ciidamada qalabka sida iyo madax-bannaanida Soomaaliya, isaga oo sheegay in aan la aqbali karin jiritaanka ciidamo ku shaqeeya amarro ka baxsan nidaamka amniga qaranka.
Ciidamada uu Imaaraadku taageerada siiyo waxaa ka mid ah kuwa jooga Puntland, Soomaaliland, iyo meelo kale, kuwaas oo aan gebi ahaanba xariir la lahayn hay’adaha amniga qaranka.
Sidoo kale, Imaaraadka ayaa xariir milatari iyo mid tababar la leh ciidamada Jubbaland, oo ay ku jiraan cutubyo ka qayb qaata dagaalka Al-Shabaab, ayadoo taageerada noocan ahi ay qayb ka tahay iskaashiga amni ee Imaaraadka iyo maamul-goboleedyada Soomaaliya.
Warbixin ay hay’adda Critical Threats soo saartay bishii Janaayo 2026 ayaa sheegtay in Imaaraadku uu xilligaas mushahar siinayay ugu yaraan 3,400 oo askari oo Soomaaliyeed, isla markaana uu siinayay tababar, qalab iyo taageero saadka ah.
Dhanka kale, khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada qaarkood ayaa sii xoogaystay kadib markii Golaha Wasiirrada Soomaaliya 12-kii Janaayo 2026 uu go’aamiyay in la baabi’iyo heshiisyadii kala dhexeeyay Imaaraadka Carabta, oo ay ku jiraan heshiisyada iskaashiga amniga, difaaca iyo dhaqaalaha.
Go’aankaas waxaa ka horyimid Puntland, Jubbaland iyo Somaliland, kuwaas oo sheegay in heshiisyada iyo wada-shaqeynta ay Imaaraadka la leeyihiin ay sii soconayaan, taas oo muujisay kala aragti duwanaanshaha ka jira maamulka xiriirka dibadda iyo iskaashiga amni ee Soomaaliya.
From the comments