Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qaabilay Charlotte Pierre oo ah Agaasimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta Britain (FCDO), iyadoo kulankooda diiradda lagu saaray xaaladda amniga Soomaaliya, u diyaar-garowga saameynta roobabka El Niño iyo xoojinta hay’adaha dowladda.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa labada dhinac waxay kaga wada hadleen arrimo muhiim u ah xaaladda dalka, gaar ahaan qorshaha kala-guurka amniga, diyaar-garowga iyo ka hortagga saameynta El Niño, iyo dadaallada lagu dhisayo laguna tayeynayo hay’adaha dowliga ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee taageeraya nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya, isaga oo dowladda UK ku tilmaamay saaxiib muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo.





From the comments