Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulkaadir Maxamed Nuur iyo xubno kale ayaa gaaray magaalada Bacaadweyne ee Koonfurta gobolka Mudug.
Xubnaha wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-cadaala ayaa safarkooda waxaa uu ku wajahan yahay sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaaladda magaalada Bacaadweyne.
Wafdiga waxaa Bacadweyne ku soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo Galmudug waxaana uu kulan la leeyahay Masuuliyiinta iyo Saraakiisha Ciidamada, iyaga oo ka wadahadlay dagaalka Al-shabaab.




From the comments