Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo wasiirka gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ay wehliyaan wasiir kuxigeenka Warfaafinta Al cadaala iyo masuuliyiin kale ayaa kormeeray rugaha Ciidanka ee koonfurta gobolka Mudug oo socdaal ay ku marayaal.
Wasiirka gaashaandhigga dalka Cabduqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay cutub ka tirsan Guutada 27aad ee Abuu dujaana ee qeybta ka ahaa xoreynta Magaalooyinka muhiimka ah ee Koofurta Mudug ayaa ku amaaney in ay furimaha kusii nagaadeen xili fasax gaaban la siiyey ururadii kale ee guutada.
Madaxwaynaha Galmudug ahmed Cabdi kaariye QoorQoor ayaa sidoo kale ciidankan ku amaaney go’aanka ay ku difaacayaan dadkooda, dalkooda, iyo diintooda, waxaana la sheegay in la joogo xilligii loo midoobi lahaa dagaalka ka dhanka Al-shabaab oo hadda ka socda deegaannada maamulka Galmudug.




From the comments