Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgallo aniga xaqiijin ah waxaa ay ka wadaan deegaanka Ciid Ciidka oo hoostaga magaalada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe oo maalmaaha n dagaallo iyo duqeymo ay ka socdeen.
Howlgalkaan ayaa waxaa hoggaaminayo Taliyaha ciidanka dhulka G/Sare Dayax Cabdi Cabdulle waxaana ciidanku ay isku ballaariyeen Ciid-ciidka iyo Cali-Fooldheere oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Dhulka howdka ah ee howlgalkaani uu maanta ka socdo waxaa maalmihii lasoo dhaafay laga saaray Al-shabaab waxayna ciidamadu ka saareen miinooyin la sheegay in lagu aasay sida ay sheehayaan wararka laga helayo halkaasi.




From the comments