Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo xiray Aqoon is-weydaarsiga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya oo saddexdii maalmood ee u danbaysay ka socday Caasimadda Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyey Golaha Wasiirrada in ay ficil u beddelaan aqoonta iyo waayo aragnimada casriyeynta dowladnimada ee madasha lagu soo bandhigay, taas oo ay ka qeyb qaateen khuburada hormarinta dowladnimada ku taqasusay.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay awoodaan in ay ka gudbaan caqabadaha amniga, kala qeybsanaanta, musuqmaasuqa iyo saboolnimada, isagoo sheegay in qorshahan qaran uu yahay jidkii inagu hagi lahaa rumeynta himilooyinka dowladnimo iyo in aan la tartanno dhiggeena.




From the comments