U bood dhigaalka

Wariye Qeys oo Maanta Lgu Aasay iyo Bahda Warbaahinta oo Kasoo Qeybgashay Aaskiisa

Sheeko:Amniga

Allah unaxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagua aasay wariye Cabdifitaax Macalin Nuur Qeys oo ku geeriyooday qarax xalay ka dhacay Muqdisho, waxaana lagu aasay Qabuuro ku yaalla duleedka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Weriyaasha Muqdisho iyo qaar kamid ah masuuliyiinta warbaahinta dalka ayaa maanta ka qeyb galay aaska marxuumka, iyaga oo siweyn looga hadlay shaqsiyadiisa iyo kaalintii warbaahineed, Qoyska iyo asxaabadan ayaa qeyb ka ahaa Janaasada Qeys.

Aaska marxuum Qeys oo ka dhacay xabaalo ku yaalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa waxaa halkaasi tacsi ka diray qaar ka mid ah bahda saxaafadda iyo dad weynihii ka qayb galay jinaasada iyaga oo Allah u weydiiyay JanatulFardowsa inuu geeyo.

Goobjoog News