Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay shirka golaha cadaaladda ururka Jaamacadda Carabta ee ka furmay magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq.
Wasiirka khudbadiisa ku ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliyeed ay diyaar u tahay in iskaashi Garsoor iyo Cadaaladeed ay la yeelato wadamada jaamacada Carabta, isaga oo tilmaamay in ay ka go’an tahay in garsoor iyo cadaald dhab ah ay helaan bulshada.
Mudane Xasan Macallim ayaa dowladda Qiraaq uga mahad celiyay martigelinta shirka ayaa qiray in dowladda Soomaaliyeed ay garab taagantahay Qadiyada Falastiin ayna ka xuntahay Ciqaab wadareedka iyo barakicinta lagu haayo shacabka Gaza.




From the comments