Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dib u dhigay magacaabista guddiga ansixinta baarlamaanka iyo xallinta khilaafaadka, si xal looga gaaro khilaafka baahsan ee u dhaxeeya Xukuumadda iyo Baarlamaanka maamulka Puntland.
Senator Cabdiraxmaan Maxamuud Faroole madaxweynihii hore ayaa ku howlan sidii xal looga gaari lahaa ismariwaaga siyaasadeed ee caqabadda ku ah in la bilaabo xulista baarlamaanka 66 xildhibaan ee lagu heshiiyay in doorashada ay ku dhacdo marka la eego sida xaalku yahay.
Guddigan dhex dhexaadinta waxay madaxweynaha Puntland ku booriyeen inuu soo dhiso guddi heshiis lagu yahay oo heli kara kalsoonida musharraxiinta madaxtinimada maamulka, xilli siweyn la isugu khilaafsan yahay xubnaha guddiga oo magacaabistooda dib uu dhacay.




From the comments