Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa saaka lagu wadaa in ay si rasmi ah uga qabsoonto doorashada guddoomiyaha iyo ku-xigeennada Golaha Wakiillada maamulka Waqooyi Bari.
Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaya shan mudane oo labo kamid ahi ay u tartamayaan guddoomiyaha, halka seddaxda kalena ay ku loolamayaan xilalka labada ku xegeen, ayadoo si weyn isha loogu hayo doorashadan oo ah tii ugu horraysay ee ka dhacaysa Laascaanood taniyo markii si rasmi loogu dhawaaqay maamulkaas oo ka samaysmay isku darka SSC-Khaatumo iyo Maakhir.
Doorashadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah dhismaha hay’adaha sharci-dejinta ee maamulka cusub, waxaana si adag ugu loolamaya mucaaradka isbadel doon ah iyo muxaafid hoggaankii hore oo uu madaxda u ahaa Cabdulqaadir Aw Cali Firdhiye.




From the comments