Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Fadhiga maanta waxaa goob-joog ahaa 54 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ah Ansixinta Barnaamjika Xukuumadda iyo mas’uulyiinta u baahan xasaanada-siinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, kuwaa soo Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Golaha horkeeneen.
Madaxweynaha ayaa Golaha Wakiillada la wadaagay, Xubnaha Golaha Wasiirada ee cusub iyo Barnaamij Siyaasadeedka Xukuumadda, wuxuuna Golaha la wadaagay qorsheyaasha xukuumadda ee dhinaca Amniga, Garsoorka, Arrimaha Bulshada, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda , wuxuuna ka codsaday Xildhibaanada Golaha Wakiillada in ay ansixiyaan xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada oo lagu soo xulay aqoontooda iyo waaya-aragnimadooda.




From the comments