Siciid Cabdulahi Deni ayaa mar kale ku guulaystay xilka Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, kadib doorashadii saaka ka dhacday xarunta Baarlamaanka ee magaalada Garoowe, Deni 35 cod ka helay wareegii 1-aad oo ah kala bar in ka badan tirada guud ee Baarlamaanka maamulka Puntland.
Musharrax Guuleed Saalax Barre oo ku soo xigay ayaa helay 9 cod halka Abshir Cumar Huruuse oo kaalinta saddexaad galay uu helay 8 cod waxaana sidaas wareegga labaad ugu gudbay saddexdaasi musharrax Siciid Deni 1, Guuleed Saalax Barre 2, Abshir Cumar Huruuse 3 ka galay doorashada.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa wareegga labaad helay 40 cod halka musharrixiintii ku soo xigay ee Guuleed Saalax Barre uu helay 17 cod, iyo Abshir Cumar Huruuse kala helay iyo 9 cod, codadkii ay dhiibteen dhibaannada golaha Wakiillada Puntland, taas oo ka dhigan inuu Deni dib u soo laabtay.




From the comments