Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abukaate Axmed Ciise Guutaale, ayaa kulan fogaan-arag ah la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Maxkamadda Xisaabaadka Tunisia ahna ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Hantidhowrada Carabta (ARABOSAI), Mudane Hatem Al-Selini.
Intii uu socday kulanka waxaa looga hadlay muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Hantidhowrada Carabta Arabosai الصفحة الرسمية للأرابوساي iyo sida looga miro dhalin karo hadafyada guud ee mustaqbalka soo aadan lagu gaarayo barwaaqo.
Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa ku nuux-nuuxsaday sida ay uga go’antahay horumarinta iyo xoojinta xiriirka uu XHGS la leeyahay Ururka Hantidhowrada Carabta (ARABOSAI) iyo xubnaha ururkaba,kuwaas oo dhowaan dowaladda Soomaaliyaa taageeray.




From the comments