Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa qasriga Madaxtooyada dalka uganda ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin caddow, oo safar ku jooga dalka Uganda uu shir ugu qeyb galayay.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa ka wada-hadlay dhismaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Taageerada dhanka la dagaalanka Al-shabaab.
Taliyaha ayaa madaxweynaha la wadaagay sida dowladda Soomaaliya ay ku doonayso in dalka ay kaga xureyso Argag Al-shabaab iyo muhiimadda ay leedahay in ciidanka dowladda Uganda ay qaataan door ku aadan dagaalka ka hor bixitaankooda December.




From the comments