Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kulan la qaatay hawlwadeenada Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka.
Ujeedka shirkan ayaa waxaa uu la xiriiray u kuurgalidda baahiyada xarunta cusub ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaran, kormeerka hawsha shaqaalaha iyo arrimo kale, kuwaas oo ugu badanaa arrimaha hortabiya u leh.
Kulanka ayaa inta socday wasiir Fiqi waxaa uu uga warbixiyay hawlwadeenada guddigu qorshaha dowladda ee doorasho qof iyo cod ah iyo sidoo kale halka ay marayaan dib u eegista shuruucda muhiimka u ah doorashooyinka.




From the comments