Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Uganda, Mudane Vincent B. Ssempijja iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku yimi magaalada Muqdisho, iyada oo uu Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyeey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cabdifataax Qaasim.
Wafdiga Wasiirka Difaaca dalka Uganda oo soo dhoweynta ka dib loo soo galbiyay Xarunta Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa halkaasi waxa ay kulamo kula qaateen Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS,
Wasaaradaha Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Uganda oo magaalada Muqdisho ku kala saxiixday dhammaystirka heshiis is afgarad (MOU) dhanka difaaca ah oo ay labada Wasaaradood horay u kala saxiixdeen.




From the comments