Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS, Xasan Macalin Maxamuud ayaa xalay Muqdisho uga qeyb galay Madal aqoon is weydaarsi ah oo si qota dheer looga hadlay “Heshiiska iskaashiga dhaqaalaha iyo Difaaca” ee dhawaan ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.
Doodda oo ay soo diyaariyeen ururka aqoonyahannada Soomaaliyeed ee dalka Turkiga wax ku soo baratay (Somali Türkiye Alumni Association) ayaa sidoo kale looga hadlay xariirka ka dhexeeya labada dowladood iyo labada shacab oo qarniyaal kahor jiray iyo marxaladihii uu soo maray, cidda mas’uulka ka aheyd dib u nooleyntiisa burburkii kadib iyo faa’iidada ugu jirta xariirka labada dal oo hadda Heer bah wadaagnimada isu beddelay. Waxaa kale oo laga hadlay heshiisyada kale ee labada dowladood ay galeen iyo sida Soomaaliya ay uga faa’iideysan karto.
Mudane Xasan Macalin Maxamuud oo qeyb ka ahaa mas’uuliyiintii dowladda Soomaaliyeed ee dadaalka badan geliyay soo nooleynta xariirka labada dowladood intii u dhexeysay 2009-2011, ayaa uga mahad celiyay aqoonyahanka Turkiga wax ku bartay aqoon-isweydaaraiga ay kor ugu qaadayaan fahamka dadka Soomaaliyeed ee heshiiska iskaashiga dhaqaalaha iyo difaaca.




From the comments