Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha debedda ee Qatar ayaa rajo badan ka muujiyey, heshiis xabad-joojineed oo dhex mara Israa’iil iyo Xamas, iyo in la sii daayo la-haystayaal dheeri ah, xilli ay sii socdaan weerarrada bahalnimada ah ee lagu beegsanayo xeryaha barakacayaasha eek u yaalla magalada Qaza.
Majed Al-Ansari ayaa yididiiladan muujiyey, xilli ay magaalada Dooxa ka socdaan wadahadalo ku saabsan, sidii heshiis xabbad-joojineed loo gaadhi lahaa. wufuudda ka qayb gelaya wadahadaladan waxaa ka mida taliyaha sirdoonka ee Israa’iil David Barnea, xilli hore ayaa la filaa in lagu dhawaaqo in heshiis la gaadhay.
Waxyaabaha miiska yaalla ayay ka mid yihiin, in la gaadho heshiis xabbad-joojineed oo soconaya muddo lix toddobaad ah. Haddiiba heshiiskan la gaadho, waa markii labaad ee labada dhinac ay isku afgartaan heshiis xabad-joojineed muddo shan bilooda oo dagaalku socdo, kaas oo sababay khasaare xooggan.




From the comments