Roobka xilliga Gu’ga ayaa siweyn uga curtay qeybo kamid ah dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, gaar ahaan Jigjiga oo ah magaalo madaxda maamulka oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka da’ayeen roobab mahigaan ah kuwaas oo geystay khsaare xooggan oo isugu jira naf iyo mid maaliyadeed.
Maamulka deegaanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay shacabka u jeedinayay digniino ku aadan in laga digtoonaado dadad ka dhalan kara roobabka oo maalmo xiriir ah da’ayay, Guryo badan ayaa dumay oo laga soosaaray dadkii ku noolaa siloo yareeyo khasaaraha maadama ay daadad ka dhasheen.
Qubarada Saadaaliya ayaa inta badan sheegaya in dalalka Bariga Afrika ay kusoo wajahan yihiin Roobab xooggan oo dabeylo wata, kuwaas oo soo gaari kara geeska Afrika, xilli maalmo ka hor Roob ka da’ay inta badan dalka Jabuuti uu sababay daadad ku rogmaday magaalooyinka qaarkood.




From the comments