Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, H.E. Amb. Axmed Macallin Fiqi,ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay ku-simaha Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, H.E. Mudane Cali Maxamed Cumar Cali Balcad kadib munaasabad ka dhacday xarunta.
Munaasabadan xil wareejinta ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa wakiillo ka kala socday Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaranka, kuwaas oo qeyb ka ahaa mas’uuliyiintii ka qeybgashay munaasabadda xilka kula wareegayay wasiir Axmed Macalin Fiqi.
Intii ay socotay xaflada ayaa wasiir Fiqi oo hadal kooban jeediyay waxa uu ku nuux nuuxsaday sida ay uga go’an tahay u adeegida Soomaaliya iyo horumarinta himilooyinka siyaasadda dibadda ee qaranka. Waxa uu wacad ku maray in uu wax walba ka hormarin doono danaha dalka iyo maslaxada guud ee qaranka.




From the comments