Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareeye) ayaa ka jawaabay cabashooyin ay beeralaydu ku qabeen ciidamada jooga baraha lagu baaro baabuurta sida khudaarta soo gasha Muqdisho oo ka cabanayay baraha amniga lagu hibiyo.
Wasiirka ayaa sheegay in beeraleyda Soomaaliyeed ay kamid yihin dadka ugu qiimaha badan shacabka soomaaliyeed madama ay soo saraan waxyabihii bulshada nolosheda ay ku tiirsaneyd, kaalin weyn ku leeyihin waxsoo saarka dalka,wasaaradana ay kala sheqeeyn doonto wax walbo oo u fududeeynayo in dalagyadooda ay gaarsiiyaan suuqayada Caasimadda.
“Beeraleyda soomaaliyeed waxaan u Sheegayaa in wasaaradda ay u taagan tahy in ay caawiso beeraleyda ,in ay u sameeyso wax kasto oo dhiirigalin u noqonayo sidii waxsoo saarkoodu u fiicnaan lahaa,masuuliyadaa ayaana u taaganahnay” sidaa ayu yiri wasiir Mareeye oo shir jaraa’id qabtay.




From the comments