Booliiska magaalada Yew York ee dalka Mareykanka ayaa xiray in ka badan 100 dibadbaxayaal ah, kuwaasoo dhigayay bannaanbax lagu oo taageerayay Falastiin. sidoo kalena looga soo horjeeday taageerada Mareykanka ee Israel u siinayo dagaalka Gaza.
Dibad-baxayaasha ayaa tan iyo Arbacadii ina dhaaftay fadhiyay teendhooyin ku yaalla jaamacadda Columbia ayagoo dalbanaya in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka ka socda Marinka Qasa, lana joojiyo kaalmada milateri ee Maraykanku siiyo Israa’iil.
Guddoomiyaha jaamacadda Nemat Minouche Shafik ayaa u oggolaaday booliiska in ay gudaha u galaan teendhooyinka dibad-baxayaasha ka dib markii ay dhaleeceyn kala kulantay Aqalka Congress-ka ee Maraykanka, oo ay ku eedeeyeen Yuhuud naceyb.




From the comments