Booliiska Gobolka Banaadir oo Gacanta Ku Dhigay Shkhsi Si Sharci Darro u Buufinayay Bajaajta A iyo B
Sheeko:Warar & Warbixino
Qeybta Guud Ee Boliiska Gobolka Banaadir ayaa Gacanta Ku soo dhigay Eedeysanayaal Lagu Qabtay ayagoo si sharci dara ah ku Buufinayo Mootooyinka A iyo B ah Arintan oo Horey Sharci loogu soo saarey ,
Ciidanka Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir gaar ahaan Ciidanka Saldhigga X/jajab oo ku guda jiray Howl MaalMeedkooda ayaa Shabakadan Gacanta Ku soo dhigay,
Eedeysanayaashan ay Ciidamada Gacanta Ku dhigeen xili ay ku guda jireen Buufinta Mootooyin cusub ayagoo Kula Dhuumanaaya Meel u Gaar ah oo ay ku fuliyaan buufintooda Sharci Darada ah
Eedeysanayaashaan Waxaa Hada Ku Socda Baaritaan Ku aadan Arintaan Sharcidarada ah ayadoo baaritaankaas xooga lagu saaridoono mudadii ay ku guda jireen inta mooto oo ay buufiyeen iyo Taargooyinka