Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa tababar socday muddo labo maalmood ah u soo gabagabeesay saraakiil ka tirsan hey’adda,waxaana Tababarkaas oo ku saabsanaa maaraynta qulqulka dadka, xilliyada qalalaasaha ee marinada iyo bar xuduudyada dalka ka faa’iidaystay ku dhawaad 16 sarkaal oo ka tirsan Hay’adds Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.
Agaasime ku xigeenka guud ee Hay’adda Xuseen Cabdullaahi Sheekh oo ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa ku dhiirageliyay saraakiisha in ay aqoonta ay kororsadeen ka dhaqangeliyaan goobaha shaqada, waxaana
Saraakiisha ka faa’iidaystay tababarka ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyin dhammadkii tababarka.




From the comments