Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo maalmahan ku sugan Magaalada Nairobi ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.
Taliyaha Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo saraakiil uu hoggaaminayay ayaa kormeer ku tegay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, halkaasi uu ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Safaaradda.
Taliyaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaalada dalka iyo dadaallada dowladdu ugu jirto la dagaallanka AL-SHABAAB




From the comments