Munaasabad si heer sare ah loo agaasimay oo lagu Xusayay maalinta Caalamiga ah ee badqabka goobaha shaqada ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho, waxaana kasoo qeybgalay mas’uuliyiin kale duwan oo dowladda ka tirasan dowladda iyo marti-sharaf kale.
Munaasabadan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb-galay wasiirro, Xildhibaano, Agaasimaha shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, iyo xubno ka socda ururrada bulshada rayidka ah.
Hal-dhagga xuska sanadkan ayaa ahaa saamaynta uu isbedelka cimiladu ku yeeshay goobaha shaqada iyo sidii looga hortagi lahaa waxyeellooyinka soo gaara shaqaalaha, waxayna masuuliyiinta goobta ka hadlay tilmaameen muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo bedqabka shaqaalaha.




From the comments