Dowladda Kenya ayaa bilaabeysa dib u furista dugsiyadeeda iyo goobaha kale ee waxbarasho, kadib hal todobaad oo ay dib u dhigtay daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah, iyadoo dhimashada ka dhalatay daadadka tan iyo bartamihii bishii March ee sanadkan ay ka badan tahay 100 qof sida la xaqiijinayo.
Dugsiyada qaar ayaa weli “si xun u saameeyay” fatahaadda, Wasaaradda Waxbarashada ayaa u sheegtay habeenimadii Axadda Warbaahinta maxalliga ah in ka badan 100 dugsi ay daadadku qaadeen, kuwaas oo qaarkood darbiyo dumay iyo saqafyadii ay la tageen una baahan dayactir xooggan oo dib loogu dhisayo.
Dowladda ayaa shaacisay geerida 90 ruux, tan iyo Maarso, waana tiro ka yar sida warbahainta gudaha ay qoreen, waxaana la filayaa in tiradaasi ay kororto kaddib markii ay dooni ku degtay Gaarisa. Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay in lasoo badbaadisay 23 qof, balse la la’yahay in ka badan 12 qof.





From the comments