Goobjoog

Soomaaliya oo Markii ugu Horreysay Daahfurtay Qaamuuska Luuqadda Dhegooleyaasha

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday daahfurka qaamuuskii ugu horreeyay ee luqadda calaamadaha Soomaaliga, tallaabadaas oo lagu tilmaamay horumar weyn oo dhinaca waxbarashada loo dhan yahay iyo xuquuqda dadka maqalkoodu naafoobay.

Qaamuuskan cusub ayaa la filayaa inuu fududeeyo isgaarsiinta dadka dhegoolayaasha ah iyo bulshada inteeda kale, isla markaana uu horseedo in dadka aan wax maqli karin ama maqalkoodu hooseeyo ay helaan fursado waxbarasho oo la mid ah kuwa muwaadiniinta kale.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegtay in hirgelinta qaamuuskan ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo waxbarashada loo dhan yahay, laguna xaqiijinayo in dadka qaba naafonimada maqalka aysan ka harin fursadaha waxbarasho iyo horumarineed ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Cabdulqaadir oo munaasabadda Daahfurka ka hadlay ayaa sheegay in Qaamuuskani uu dadka maqalka naafada ka ah ka saari doono go’doon ay muddo dheer ku jireen, islamarkaana ay hadda ka dib heli doonaan fursad ay waxbarasho buuxda ku helaan.

Si kastaba ha ahaatee dadka maqalka naafada ka ah ee Soomaaliyeed ayaa muddo dheer wajahayay caqabado iyo gaab waxbarasho, balse sanadihii la soo dhaafay waxaa socday dedaallo lagu hirgelinayo goobo waxbarasho iyo nadaamyo u suurta-gelinayo inay fursado lamid ah kuwa dadka kale haystaan.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments