Soomaaliya oo ka qayb-gashay shirweynaha ALECSO ee ka dhacay dalka Cumaan

Masqat, Cumaan – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Marwo Nuura Mustaf Mukhtaar, ayaa hoggaaminaysay wafdi heer sare ah oo Soomaaliya uga qaybgalay shirarka Golaha Fulinta…

Soomaaliya oo ka qayb-gashay shirweynaha ALECSO ee ka dhacay dalka Cumaan

Masqat, Cumaan – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Marwo Nuura Mustaf Mukhtaar, ayaa hoggaaminaysay wafdi heer sare ah oo Soomaaliya uga qaybgalay shirarka Golaha Fulinta iyo Shirweynaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ee Waxbarashada, Dhaqanka iyo Sayniska (ALECSO).

Shirarkan oo intii u dhexaysay 9-kii ilaa 12-kii Nofeembar 2026 ka socday magaalada Masqat ee caasimadda dalka Saldanadda Cumaan, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dalalka xubnaha ka ah ururka, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, dhaqanka, sayniska iyo cilmi-baarista.

Intii ay shirarku socdeen, waxaa sidoo kale laga wada hadlay qorshayaasha istaraatiijiyadeed ee ururka, barnaamijyada mudnaanta leh iyo sidii loo dardargelin lahaa hindisayaasha wadajirka ah ee lagu horumarinayo waxbarashada, kobcinta aqoonta iyo tayeynta hay’adaha waxbarasho ee dalalka xubnaha ka ah.

Ka-qaybgalka wafdiga Soomaaliya ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka hay’adaha gobolka, kor loogu qaadayo matalaadda dalka ee ururrada caalamiga ah iyo ka faa’iidaysiga barnaamijyada iskaashi ee la xiriira horumarinta waxbarashada, dhaqanka iyo sayniska.

Shirweynaha ayaa ugu dambayn lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga, isku-duwidda dadaallada iyo dardargelinta barnaamijyada horumarineed ee ALECSO, si loo gaaro himilooyinka ay wadaagaan dalalka xubnaha ka ah ururka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments