Wareysi uu dhowaan bixiyay wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur jaamac ayuu kaga hadlay duruufta iyo nolosha adag ee ay ciidanka xoogga dalku ku shaqeeyaan.
Wasiirka ayaa si caro leh uga war-celiyay qaar kamida weydiimihii wareysiga, wuxuuna sheegay inaan shaqada Wasaaradda iyo midda ciidankuba ahayn is qurxin iyo raaxo, balse dayaca iyo duruufka askarta ka muuqataahi ay tahay astaanta howsha adag ee ay hayaan, askari walibana markii uu ciidanka ku soo biirayay u soo doortay dhimasho, dhaawac, iyo dacdarro.
Hadalka wasiirka oo ku soo beegmay xilli ay taagantahay hadal-heynta Raashinkii ciidanka danab oo ay Wasaaraddu dhowaan shaacisay in la musuqmaasuqay ayay falanqeeyayaasha iyo xeeldheerayaasha amnigu siyaabo kala duwan u fasireen.




From the comments