U bood dhigaalka

Ciidanka Booliiska Gacanta Ku Dhigay Nin Dahab Badan Kasoo Xaday Degmada Balcad

Ciidanka Booliska Gobolka Mudug, gaar ahaan laanta dembi baarista ee CID-da ayaa gacanta ku dhigay nin ku eedaysan inuu 95 GRM oo dahab ah ka xaday haweenay ku nool magaalada Balcad ee gobolka Shabeeladda dhexe.

Eedaysanaha ay ciidanka boolisku soo bandhigeen oo lagu magacaabo Cabdicasiis Cali Muuse ayaa hantidan dahabka ah ka soo xaday haweenay lagu magacaabo Caasho Maxamed Cali sida ay sheegeen laamaha nabad-galyadu.

Eedaysane Cabdicasiis Cali Muuse Xaaji oo hada ku jira gacanta ciidanka Booliska ayaa markii la qabtay laga helay 50.1 GRM oo dahab ah, dhawaana eedaysanaha waxaa lagu wareejin doono Booliska Degmada Balcad, sida lagu sheegay war ay soo saareen ciidanka ammaanka Gobolka Mudug.