Dahabshiil Motors, oo ka tirsan Dahabshiil Group, ayaa heshiis wakaaladeed iyo iskaashi ganacsi la saxeexatay shirkadda Chery Group ee dalka Shiinaha, kaas oo la xiriira ballaarinta adeegyada gaadiidka iyo helitaanka noocyo kala duwan oo baabuur ah.
Heshiiskan ayaa Dahabshiil Motors u furaya fursad ay ku ballaariso adeegyada ay macaamiisheeda siiso, iyadoo iskaashiga cusub uu ku saabsan yahay summado iyo noocyo kala duwan oo gaadiid ah oo ay soo saarto ama maamusho Chery Group.
Noocyada gaadiidka ee heshiiska lagu xusay waxaa ka mid ah Chery Tiggo, HIMLA, OMODA, JAECOO, Jetour, EXEED, LUXEED, iCAUR, LEPAS, EXLANTIX, Stockman iyo Freelander.




From the comments