Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid oo uu wehelinayo Wasirka Amniga Gudaha Somalia ayaa manta Magaalada Dhusamareeb ka furay Shirka Wadatashiga Horumarka Amniga ee Wasaradaha Amniga iyo Talisyadda Booliska Labada Heer Dowladeed.
Shirkaan ayaa waxaa ka qaybgalayay Wafdi u hogaaminayay Wasirka Amniga Gudaha Fadaralka Somalia Mudane Gen Abdulahi Sh Ismacil Fartaag oo ay ka mid yihiin Wasiirada Amniga Dowlad goboleedyada iyo Talisyada Ciidamada Booliska Labada heer Dowladeed.
Sido kale Furitaanka Shirka waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Wasiirka Maaliyada Galmudug iyo Duqa Caasimada Galmudug iyo Masuliyiin kale.




From the comments