U bood dhigaalka

Shil Gaari oo Sababay Geerida Ku Dhowaad 30 Ruux oo Ka Dhacay Pakistan

Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay gobolka Balochistan ee koonfur-galbeed Pakistan ka dib markii bas ay la socdeen uu ku dhacay meel tog ah, sida ay saraakiishu sheegeen. Baska oo ka yimid magaalada Turbat ee koonfurta Balochistan ayaa ku wajahnaa xarunta gobolka Quetta, oo qiyaastii 750km, kana xegta dhanka waqooyi, markii uu shil ku galay gobolka buuraleyda ah subaxnimadii Arbacada.

Noorullah Essazai oo ah sarkaal ka tirsan caafimaadka dowladda oo ku sugan degmada Washuk oo uu shilku ka dhacay ayaa warbaahinta u xaqiijiyay tirada dhimashada, isagoo intaa ku daray in 54 rakaab ah ay la socdeen baska.

Qaar ka mid ah dadkii badbaaday ayuu sheegay in ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, waxaana lagu daweynayaa isbitaal deegaanka ah.

“Waxaan haynaa 8 ilaa 10 bukaan oo si xun u dhaawacmay, waxaanan diyaarineynaa inaan u dirno Quetta oo aan saarno diyaarad helikobter ah, halka qaar kalena loo wareejin doono isbitaal ku yaal Khuzdar,” ayuu yiri Essazai.

Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah saraakiisha dowladda ee degmada Washuk ayaa sheegay in baska uu ka dhacay buundada, kadibna uu ku dhacay tog dhagxaan leh, darawalkii baska ayaana ka mid ah dadka dhintay.

War qoraal ah oo uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayuu ugu tacsiyeeyay dadkii ku waxyeelloobay shilkaas, wuxuuna faray mas’uuliyiinta inay caawiyaan dadka dhaawacmay.

“Waan garab taaganahay qoysaska ay ka geeriyoodeen waqtigan adag, waxaana u muujineynaa sida aan uga xunahay,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.