U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayay Arrimaha Xujeyda oo Lagu Qabtay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

Shir looga hadlayay sidii loogu diyaar garoobi lahaa loona abaabuli lahaa sida Xujeyda Soomaaliyeed loogu Daabulayo Goobaha Mashaacirta (Mina, Musdalifa iyo Carafa), Maalmaha Xajka ee Foodda inagu soo haya ayaa ka dhacay Xafiiska arrimaha Xajka wasaarada Awqaafta iyo arrimaha Diinta dowladda Soomaaliya ee Magaalada Makkah.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiinta Xafiiska Arrimaha Xajka iyo Shirkadda Dowladda Sacuudiga ay u xilsaartey in dowlada Soomaaliya ay kala shaqeeyso arrimaha Xajka ayaa lagu soo gudbiyay Sida ay muhiim u tahay in Xaajiga Soomaaliyeed la siiyo Adeeg wanaagsan oo isugu jira Diyaarinta Gaadiidka Geynaya Goobaha Mashaacirta iyo Goobaha la dejinayo ee Mina.

Sidoo kale, Shirkan ayaa looga hadley sidii Dhammaan Xujeyda Soomaaliyeed loo wada siin lahaa Kaarka Xaajiga ee Nusuk, Kaasi oo Xaajiga u saamaxaya in aaney caqabad ku imaan dhaq-dhaqaaqiisa.

Madaxa Xafiiska arrimaha Xajka wasaarada Awqaafta iyo arrimaha Diinta dowlada federaalka Soomaaliya Dr. Khadar Xaaji Daahir oo Faah-faahin ka bixiyay shirkaan ayaa sheegay in Xafiiska uu mudnaan weyn siinayo sidii loo dhameystiri lahaa dhammaan adeegyada lagama maarmaanka ah ee uu u baahan yahay xaajiga Soomaaliyeed.