Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Manama ee caasimadda Boqortooyada Baxreyn kula kulmay Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Baxreyn Dr. Ramzan bin Abdullah Al Nuaimi.
Labada Wasiir ayaa kulankooda uga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada wasaaradood ee dhinacyada Warbaahinta iyo Dhaqanka, iyadoo la isla gartay in labada dhinacba ay si deg deg ah uga shaqeeyaan arrimahaas.
Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac ayaa u mahadceliyey Boqortooyada Baxreyn soo dhoweynta iyo martigelinta shirka 54aad ee Wasiirrada Warfaafinta ee waddamada Carabta, isagoo sidoo kale uga mahadnaqay mowqifka cad ee Boqortooyada Baxreyn ka qaadatay dhowrista , wadajirka iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.




From the comments