U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Dib u Eegis Ku Sameynaya Xiriirka Labada Dowladood

Amiir Mohammed bin Salman bin Abdulaziz Al Saud, oo ah Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga, ahna Ra’iisul Wasaaraha, ayaa dhambaal qoraal ah oo ku saabsan xiriirka labada dal ka guddoomay Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Fariintan ayaa waxaa guddoomay isagoo ka wakiil ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Amiir Faisal bin Farhan bin Abdullah, ku xigeenka Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Arrimaha Siyaasadda, Dr. Saud bin Mohammed Al-Sati, mar uu kula kulmay Riyadh Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamuud Daahir Geelle oo farriinta siday.

Warbaahinta Sacuudiga ayaa sheegtay in qodobada ugu waa weyn ay ka mid yihiin in labada dhinac ay sameystaan guddiyo gaar ah oo ka shaqeyn doonnaa sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa ay dib u eegis ku sameeyeen xiriirka labada dal, waxaana ay ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa, loogana hormarin lahaa dhinac walba, marka laga soo tago arrimaha danta guud.

Kulamada ayaa sii socon doona iyadoo wafdiga ka socda Soomaaliya ay la kulmi doonaan dhinacyada kala duwan ee ha,addaha dowladda Sacuudiga.