U bood dhigaalka

Wasiir Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Kulan Gaar ah La Yeeshay Dhigiisa Shiinaha

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi, ahna Xubin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Xisbiga Shuuciga ee Golaha Dhexe ee Shiinaha, ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo Shiinaha uga qeybgalaya shirka 10-aad ee heer wasiir ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta.

Wang Yi ayaa la wadaagay Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya sida ay uga go,an tahay dowladda Shiinaha in ay xoojiso xiriirka ay leedahay dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale dalalka ku yaalla bariga Afrika oo Shiinaha uu muhiin u arko.

Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sanadyadii lasoo dhaafay ay saameysay horumaro kala duwan oo dhanka Amniga iyo siyaasadda ah. Waxaa uu dowladda Shiinaha uga mahadceliyay doorkeeda taageerada Soomaaliya.

Waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay in lasii xoojiyo Saaxiibtinimada Shiinaha iyo Soomaaliya si ay labada dal ay iskaga kaashaadaan horumarinta kaabayaasha dhaqaallaha iyo maalgalinta.

Shirka uu ka qeyb galaayo Wasiir Fiqi ayaa sanadkaan muhiim u ah dowladdaha Carbeed sidii ay kusoo jiidan lahaayeen dowladda Shiinaha oo ka mid ah dowladdaha caalamka ee sida ugu weyn ugu horumaray dhanka Technoolagiyada.