Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ugu baaqay xisbiyada siyaasadeed ee dalkaas inay ka wada shaqeeyaan danta dalka, islamarkaana laga gudbo wixii kala qeybsanaan ah oo doorashada ka dhashay.
Hadalka Ramaphosa ayaa yimid ka dib markii natiijadii ugu dambeysay ee doorashadii todobaadkii hore uu xisbigiisa ANC ku guuldareystay inuu helo aqlabiyadda baarlamaanka markii ugu horeysay, lana filayo in la dhiso dowlad wadaag ah.
Natiijada lagu dhawaaqay Axadii, ayaa muujinaysay in taageerada xisbigu ay si weyn hoos ugu dhacday markii la fiiriyo codadka uu helay, waana doorashadii ugu xumayd ee soo marta dhaqdhaqaaqa xoreynta Afrika ee ANC oo ah kan ugu da’da weyn ururada siyaasadda dalkaas.




From the comments