U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jubbaland oo Dhagaxdhigay Laba Waddo oo Laga Dhisayo Kismaayo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo uu wehliyo Wasiirka howlaha guud ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa Magaalada Kismaayo ka dhagax dhigay dhismaha labo wado oo laami ah.

Labadaan wado oo kamid ah wajiga labaad ee mashruuca dhismaha waddooyinka magaalada Kismaayo oo ka kooban 9.2 KM ayaa wax badan ka badali doona isku socodka iyo bilicda magaalada.

Wasiirka howlaha guud iyo guryaynta dowlad Federaalka Soomaaliya ayaa ku sugan Magaalada madaxda dowlad gobolleedkaasi Jubbaland, waxaana la filayaa inuu dhagax dhigi doono mashaariic badan oo la doonayo in halkaa laga hirgeliyo.