U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Ku-xigeenka iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Lagu Soo Dhoweeyay Jowhar

Wafdi uu hoggaaminaayo Ku simaha Ra’isulwasaaraha ahna Ra’isulwasaare ku xigeenka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa gaaray Magaalada Jowhar, Waxaana garoonka diyaradaha Jowhar ku soo dhaweeyey Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo boqolaal dadweyne ah.

Ujeedka wafdigaan u gareen Jowhar ayaa ah daahfurka Mashruuca biyo xireenka Sabuun kaas oo laga faa’iidi doono in uu hagaajiyo helidda waraab ku filan ilaa in ku dhaw 370Kun oo beeraleey ah taas oo yareen doonta barakaca isla markaana kor u qaadi doonta wax soo saarka beeraleeyda gobalka, yareeynta khataraha fatahaadaha gobolka oo saameeya ilaa 1.5 Millyan oo muwaadin.

Sidoo kale mushruucan ayaa yareyn doona saamaynta abaaraha iyo keydinta biyaha xilli roobaadka si looga faa’iidaysto xilliyada kale