Safiirka Dowladda Federalka Soomaaliya ee dalka Koofur Afrika danjire maxamed Shiikh Isaaq ayaa kulan la qaatay Madaxda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas, isaga oo kala hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan xaalkooda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii ay u wada shaqayn lahaayeen safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee koofur Afrika, islamarkaana loo ilaalin lahaa badqabka iyo nabad-galyada muwaadiniinta Soomaaliyeed, xallinta dhibaatooyinka ganacsatada ka haysta dhanka sharciyada, iyo isku xirka bulshada halkaas ku nool.
Maxamed Cumar Talyaani oo ah Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka koofur Afrika ayaa safiirka uga mahadceliyay kulanka iyo qaabilaadda uu xarunta safaaradda ugu sameeyay, ayagoo sheegay inay si buuxda ula shaqayn doonaan Danjiraha cusub.




From the comments