Ku dhowaad 30 xubnood oo ka tirsan ururka Alshabaab ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya.
howlgalka xubnahan lagu diley ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Xuseen Cageey oo u dhaxeeya deegaannada Mesegawaay iyo iyo Baraag Sheekh Caamir oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee dowlad gobolleedka Galmudug.
Sidoo kale waxaa war ka soo bacay dowladda lagu sheegay in howlgalka lagu gubay gaadiid iyo saanad ciidan, ka dib markii la weeraray xubno Shabaab ah oo qalanayay Geel ay ka soo dhaceen dadka shacabka ah ee deegaanadaas ku nool.




From the comments